New York (Raxanreeb Online) Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay qaxootiga ku nool dalkiisa in ay sababaan “dhibaato bulsho oo ka jirta Mareykanka” wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka saari doono wax u uku tilmaamay “qof kasta oo aan laheyn hanti nadiif ah” dalka Mareykanka.
Wuxuu yiri “boqollaal kun oo qaxooti ah oo ka yimid Soomaaliya ayaa si buuxda u qabsaday gobolka Minnesota oo mar ahaa mid weyn” wuxuuna si gaar ah u beegsaday sharci-dejiyeyaasha Dimuqraadiga ah ee gobolka.
Trump ayaa intaas ku daray in si joogto ah u joojin doona socdaalka ka imanaya dhammaan wadamada saddexaad si nidaamka Mareykanka uu si buuxda ugu soo kabto,” ayuu ku qoray Trump barihiisa bulshada.
Geesta kale “Erayga wadamada saddexaad” waa eray hore loo isticmaali jiray si loogu tilmaamo dalalka soo karaya ama saboolka ah.

Leave a Reply