Turkiga oo beeniyay in Nidaamka difaaca hawada ee s-400 uu keenay Soomaaliya

Ankara ( Raxanreeb Online) Dowladda Turkiga ayaa beenisay wararka lagu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo ahaa in dowladda loo diray Nidaamka difaaca Hawada sare ee S-400, oo ah mid ay soo saarto dawladda Ruushka, Ankara ay sanado ka hor ay iibsatay.

Wasaaradda gaashaandhiga Turkiga ayaa xaqiijisay in aysan jirin wax qorshe ah oo S-400 Soomaaliya loogu geynayo, isla markaana kaliya Turkiga uu difaacayo dalkiisa.

Wasaarada difaaca Turkiga ayaa sheegtay in Turkigu uu taageerayo dhismaha Ciidamada Soomaaliya iyo la-dagaallanka argagixisada ay sii soconayaan sida ku xusan heshiisyada labada dal. Sidoo kalana uu Turkiga ka qeyb ka qaadanayo ilaalinta kheyraadka dalka ilaa Kalluunka Soomaaliya.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer kuna saleysan iskaashiga labada dalka, iyada oo dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiso tababarada ciidamada iyo qalabeyntooda, waxaana dhowaan ay wada gareen heshiis ku saabsan soo saarinta shidaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.