Kyiv ( Raxanreeb Online) Dadka deggan caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa mar kale wajahaya habeen ay hareeyeen weerarro cirka ah oo dhimasho sababay, kadib markii Ruushku uu ku qaaday magaalada Kyiv iyo nawaaxigeeda mowjado gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay weerarrada, iyadoo mid ka mid ah uu ku geeriyooday degmada Bucha, halka in ka badan afartan kalena ay ku dhaawacmeen.
Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan sidii ay u gaari lahaayeen dad ku xaniban gudaha saddex dhisme oo dabaqyo ah, kuwaas oo qayb ahaan dumay.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa biyaha ka soo dhaaminaya webiga magaalada si loo damiyo dababka ka kacay goobaha la beegsaday.
Moscow ayaa sheegtay in ay qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumo la xiriira warshadaha difaaca ee Ukraine, iyadoo ku tilmaantay jawaab ay ka bixisay weerarro badan oo ay Ukraine ku qaaday warshadaha sifaynta shidaalka ee gudaha Ruushka.
Dhanka kale, gobolka Crimea ee uu Ruushku haysto, korontada ayaa ka go’day magaalada Sevastopo,l kadib weerar ay Ukraine ku qaaday kaabeyaasha tamarta ee u dhow magaalada.

Leave a Reply