Villa Somalia ‘’Xasan  Sheekh lama kulmayo Abiy Ahmed ‘’

Villa Somalia ‘’Xasan  Sheekh lama kulmayo Abiy Ahmed ‘’

Roma (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga ,ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu la kulmi doono Ra’iisulwasaaraha  Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulanka  waxaa riixayay madaxda dalka Taliyaaniga oo marti galinaya kulanka madaxda Afrika iyo dalka Taliyaaniga.

“Ma jiro wax wadahadal ah haddii aanay Itoobiya ka noqon heshiiskii sharci-darrada ahaa, waana inay ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Sidaas waxaa sheegay Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdulqadir Ali Dige.

Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya illaa inta Itoobiya ay ka noqoneyso heshiiska ay la gashay Somaliland ee ku daneenayso inay kula wareegto dhulka saaran xeebta Badda Cas.

Waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga gaaray qaar kamid ah madaxda dalalka Afrika iyo Yurub, kuwaas oo ka qeyb gali doona shir-madaxeed ka dhacaya dalkaas oo ay marti galinayso dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid ah wufuudda halkaas gaaray, kuwaas oo xalay casho sharaf loo sameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.