Xasan Sheekh oo war kasoo saaray guushii Galmudug

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray guushii Galmudug

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay xulka Galmudug, iyo taageereyaashooda, guushii galabta ay ka gaareen dhiggooda Hirshabeelle, ciyaaraha maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, oo maanta Muqdisho, kusoo idlaatay.

Galmudug, oo markii ugu horreeysay qaaday koobka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, ciyaar la isku mari waaye taasoo rigoore laga dhigay markii danbe, halka ay kusoo idlaatay Gool laag, kadib markii ay ismari waayeen, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Xasan Sheekh, oo soo saaray qoraal kooban ayaa ku tilmaamay guusha Galmudug, mid saldhig u ah, ciyaar wanaagsan tababar fiican anashax aad u wanaagsan iyo isku xirnaan.

“Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale xusay ciyaaraha in ay kor u qaadaan isdhex galka bulshada iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh

Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan.

Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka.

Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah.

Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.