Finland oo noqotay dalkii ugu horreeyay oo Reer Galbeed ah oo Afrika u magacaaba diblumaasi gobolkaas ka soo jeeda

Finland oo noqotay dalkii ugu horreeyay oo Reer Galbeed ah oo Afrika u magacaaba diblumaasi gobolkaas ka soo jeeda

Helsinki (Raxanreeb ) Finland oo noqotay dalkii ugu horreeyay oo Reer Galbeed ah oo arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika u magacaaba diblumaasi gobolkaas ka soo jeeda

Dowladda Finland ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay oo dalalka Reer Galbeed ah oo arrimaha nabadda ee Geeska Afrika si rasmi ah ugu magacaaba diblumaasi asal ahaan ka soo jeeda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed oo horay u soo noqday Mudane ka tirsan Baarlamaanka Finland haddana ka tirsan xildhibaannada Golaha deegaanka ee Caasimadda Finland, Helsinki ayaa noqonaya Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda Geeska Afrika.

Warka shaacinta ergaynimada gaarka ah ee diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa lagu sheegay in Magacaabistiisu ay muujinayso kalsoonida baaxadda leh ay dowladda Finland ku qabto Diblumaasi Suldaan.

Waxaa kale oo warka lagu sheegay, in aqoonta, waaya-argnimada, xiriirka ballaaran iyo kalsoonida uu gobolka ka heysto ay Suldaan ka dhigayso diblumaasiga ugu mudan in baritaageeridda nabadda iyo xasiloonida deegaanka oo haatan wajahaysa xilli adag oo wata khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwa deegaan, colaado iyo abaarabo soo noqnoqday.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista Diblumaasi Suldaan loo magacaabay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda Geeska Afrika ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaaf ka dhex-aloosan yahay labada dalka ee Geeska Afrika u saamaynta badan, waa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa xilligii xukuumaddii hore ee Finland muddo kooban soo ahaa ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda Geeska Afrika, xilligaas oo uu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland.

Waxaa kale oo mudan in maanka lagu hayo, in Finland ay ku horreyso arrimaha nabadda, dhexdhexaadinta iyo weliba xallinta khilaafaadka dowladaha u dhexeeya, waxaana la hilmaami karin doorkii shariifka ahaa ee uu madaxweynihi hore ee Finland ee dhowaan geeriyooday Martti Ahtisaari ku lahaa xasilinta dalalka dhaca Koonfurta Bari ee Yurub (Balkan).  Waxaa kale oo Ahtisaari lagu xusuustaa ka shaqayntii sidii uu dalka Namibia u heli lahaa gobannimadiisa.

Ahtisaari ayaa arrimaha nabadda ku qaatay abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Leave a Reply

Your email address will not be published.