Warsheekh (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo amni ka sameeyay degmada Ruun Nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidamadu ay ku howlan yihiin howlgallo miino-baaris & amni sugid ah oo ay ka wadaan Degmada Ruun-nirgood iyo Deegaanka Hilowle Gaas Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maalmihii u dambeeyay qorsheynayay sidii ay gacanta dib ugu dhigi lahaayeen Degmada Ruun-nirgood oo mar ay qabsadeen balse dib uga baxay.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay howlgalka ciidanka sameeyeen uu guul kusoo dhammaaday, waxa uuna xusay in howlgal kale oo baaxad weyn uu bilaabanayo.
Dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda Gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan & Galgaduud oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Leave a Reply