Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa degmada Dhuusmareeb wali ku sugan halkaas oo uu ka wado kulamo kala duwan.
Kulamadan ayaa inta badan looga hadlayaa wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab ee la sheegayo inuu ka bilaaban doono Galmudug gaar ahaan deegaanada kooxda ay ku xoogan yihiin.
Inta badan Madaxwaynaha ayaa la kulmay beelaha dega deegaanada Galmudug isaga oo kala hadlay sidii dowladda loogu gacansiin lahaa howlgalada lagu jabinayo Al- Shabaab.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda wali sidii loo baahnaa aan loo qancin beelaha qaar cabsida jirtana ay tahay is qab qabsi ka dhalan kara hab maamulka.
Inkastoo kulamada ay socdaan , hadana waxaa la soo warinayaa in aysan si rasmi u bilaaban howlgalada wajiga labaad ee madaxwaynaha u tagay degmada Dhuusmareeb.
Lama oga sida ay wax isku bedeli doonaan iyo xaalada sida ay noqon doonto maalamaha socda maadama wali wax horumar ah laga gaarin wadahadalada qaar ee beelaha.
Leave a Reply