Wararkii ugu dambeeyay duqeyn diyaaradeed oo kadhacday Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn diyaaradeed oo kadhacday Galgaduud

Dhuusmareeb (Raxanreeb) Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo kadhacday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, duqeyntan ayaa waxaa lasheegay in ey kadhacday goob ey isku uruursanayeen xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab oo kutaala deegaanka Cali Xeyle ee gobolkaasi.

Dhanka kale, macada qasaaraha rasmiga ah ee kadhashay duqeyntaan kadhacday gobolka Galgaduud sidoo kale, duqeynta ayaa dhacday arroortii hore eee saaka.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijayay in ilaa hada ey gaafwareegayaan diyaaradaha dagaalka sida Ceelhareeri, illaa Kalabeyr halkaas oo ay xaqiijiyeen in ay kusugan yihiin xubno katirsan kooxda Al-Shabaab.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda somalia iyo kuwa maamulka Galmudug oo ku aadan weerarkaas duqeynta ah.

Ugudambeyntii, xaalada deegaanka Cali Xeyle ayaa haatan ah mid aad ukacsan maadama saaka arroortii hore dadka deegaanka ey kuwaabariisteen duqeyntii diyaaradaha dagaalka ey kageysanayaan deegaanka Cali Xeyle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.