Kismaayo (Raxanreeb Online) Shirka magaalada Kismaayo uga socda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo sabti ah la soo gabagabeeya, lagana soo saaro war-murtiyeed.
Shirka oo maanta galay maalintii saddexaad ayaa weli looga arrinsanayaan qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Madaxaweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu noqdo guddoomiyaha golaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, halka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe isna la filayo in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka golaha.
Sidoo kale Eng. Cabdullaahi Carab iyo la-taliyaha madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad ayaa midkood la saadaalinayaa in laga dhigo xoghayaha guud ee golaha.

Leave a Reply