Garoowe (Raxanreeb online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Juxa, ayaa si adag uga hor yimid xil ka qaadis la sheegay in golaha deegaanka ee degmada Saaxo ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaasi iyo kuxigeenkiisa.
Sidoo kale, Wasiir Juxa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistan ay sameeyeen golaha deegaanka degmada Saaxo, waxa uuna sheegay in Wasaaradiisa ay wali guddoomiye iyo kuxigeen u aqoonsan tahay xubnahan la sheegay in xilka laga qaaday.
“Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda kasoo baxay.
Dhanka kale, Golaha deegaanka degmada Saaxo ee gobolka Mudug, ayaa la sheegay in kalsoonida kala noqdeen guddoomiyihii degmada iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna ku eedeeyeen masuuliyiintan xil gudasho la’aan iyo in ay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmaday.
Leave a Reply