Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdislaan Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan, kulan kaas oo ay uga wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga.
Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan ayaa ugu hambalyeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya doorashadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, isaga oo sidoo kale ku ammaanay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta nabadda iyo amniga qaaradda Afrika , iyo taageerada ay siiso xasilloonida iyo koboca dhaqaale ee Koonfurta Suudaan, iyada oo loo marayo xubinnimada wadajirka ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Wasiir Cabdisalaan ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee ku aaddan nabadda gobolka iyo tan qaaradda, wuxuuna ballanqaaday in la xoojin doono wada shaqeynta iyo isku duwidda IGAD iyo la hawlgalayaasha gobolka.

Leave a Reply