Weerar khasaaro dhaliyay oo ciidanka deegaanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Abooreey

Weerar khasaaro dhaliyay oo ciidanka deegaanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Abooreey

Abooreey ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay  ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan, ay ku qaadeen xubno  ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al-shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta dowladda, u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey caawa, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.

Geesta kale ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa habeen ka hor sidaan oo kale weerar ugu qaaday Al-shabaab isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.