Burco ( Raxanreeb Online) Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo hadda ah samafale ka shaqeeya caawinta dadka danta yar, ayaa shaaciyay inuu iska cararay magaalada Burco ee gobolka Togdheere ee Somaliland.
Coldoon, ayaa sheegay in uu helay xog ku aadan in ciidanka Somaliland ay qorsheeynayaan in la xiro, balse uu habeen ka hor iskaga baxay magaalada Burco.
Tallabadan ayaa waxa ay abuurtay shaki badan oo ku aadan halka uu aaday Coldoon, maadama uu qoraalkiisa ku sheegay in uu tagay meel uu ku dareemayo amni.
“Waan ka tagey Burco.Xalay ayaan guure kaga baxay magaaladaydii Burco kaddib Markii aan ogaaday in la go’aamiyey in la i xidho. Hadda waxa aan ku suganahay meel aan ku dareemayo ammaan,” ayuu ku yiri Coldoon qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Qaar kamid ah dadka aragtida ka dhibaanaya qoraalka uu soo dhigay Coldoon bartiisa Facebook, ayaa si cad ah u dhahaya “ Ma Jilib ayaad aaday”.
Geesta kale laamaha ammaanka ee magaalada Burco ayaa laga soo xigtay in aysan qorshahooda aheyn in ay soo xiraan Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Sikastaba, arrintaan ayaa daba socota markii dhowaan uu qoraalka ay soo dhigtay warbaahinta Aljazeera, oo ay kaga hadleysay Somaliland, uu faallo uu ka dhiibtay Coldoon, ku tilmaamay in madaxda Xukuumadda Somaliland ay yihiin kuwa calooshood u shaqeysatayaal ah, arrintaasi oo qaar kamid ah shacabka reer Somaliland ay ka caroodeen.
Leave a Reply