Xildhibaane Kulan Jiis oo cadeeyey in Farmaajo uusan weerarin inta xukunka yahay wax siyaasiyiin ah

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulane Jiis, ayaa sheegay in dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) aysan dilin ama weerarin cid siyaasadeed, isagoo si gaar ah uga hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulane Jiis ayaa sheegay in haddii dowladdii Farmaajo ay damacsanayd inay siyaasi disho, Xasan Sheekh uu ka mid ahaan lahaa dadka ay beegsan lahaayeen, balse aysan sidaas sameyn.

“Dowladdeennii Farmaajo cidna ma dilin, cidna ma weerarin. Xasan Sheekh ayaan xilligii aan joogney dili lahayn haddii siyaasi la dilayo, isagaa noogu dhib badnaa. Isagaa hadda wax waliba oo xun sameeyey,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn u kacsan tahay doodda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.