XOG : Ciidamo u dhaqaaqay Ceelbuur & dhaqaaq degaankaas ka jira

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) ciidamo fara badan ayaa la xaqiijiyay in ay u dhaqaaqay deegaanka Ceelbuur ee gobolka halkaas oo ay ku sugan yihiin Kooxda Al- Shabaab .

Ciidanka Dowladda ee ku sii jeeda Ceelbuur ayaa la xaqiijiay in ay gaareen degmada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa u sheegay RBC in qorshuhu uu yahay sidii Al- Shabaab ay ka saareen deegaanada ay kaga sugan yihiin Galgaduud , waxa uuna xaqiijiyay in qorshaha yahay in gudaha ay galaan Degmada ceelbuur.

Inta badan degaannada dhaca Koofurta Galgaduud ayaa dhowr iyo toban sano ku jira gacanta Kooxda Al-Shabaab oo hadda wajahaysa culusyo kala duwan oo kaga imaanaya dadka deegaanka iyo ciidanka Dowladda.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Galgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

KOL hore Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si weyn u muujiyay dareenkiisa ku addan in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab afarta sano ee soo aaddan, isla-markaana istiraatiiyado hor leh lagu kordhin doonto istiraatiijooyinkii hore loogu wajihi jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.