Madaxweyne Puntland oo Magacaabay Gole Wasiiro oo cusub.

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo Jimcaha magacabay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.

Ilaa shan wasiir ayaa Madaxwaynaha Puntland ku sameeeyay isku shaandhaynta uu caawa sameeyay Madaxwaynaha.

  1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  2. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  3. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
  4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
  5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.