XOG CUSUB : Shirka ka socdo magaalada Muqdisho oo la isku mari la’yahay .

XOG CUSUB : Shirka ka socdo  magaalada Muqdisho oo la isku mari la’yahay .

Muqdisho (Raxanreeb )Ismari waa ayaa laga soo sheegayaa shirka maalintii labaad galay ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Maanta shirka intiisa badan waxaa hareeyay ka hadalka lacagta Boqolka Milyan oo Bankiga Aduunka ku kabo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha – maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo aalada Fogaan araga uga qayb galaya shirkan ayaa dalbaday sida wararka la helayo ay sheegayaa in lacagtaas Puntland laga siito sideed Milyan Milyan halka Dowladdu ay u qorshaysan maamul kasta mid afar milyan.

Lacagtan ayaa markoo hore la isugu fahmi waayay habka loo qaybsanayo shirkii Wasaaraha Maaliyadda Maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta la soo xirayo, ayada oo laga soo saari doono war- murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Lama oga in Shirkan lagu dhameyn doono arrimaha la isku hayo, oo ay ku jirto lacagta $100 milyan oo Bangiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya bishii April.
Si kastaba shirkan waxaa miiska wada fadhiya Deni oo waayay xilka Ra’iisul Wasaaraha, Lafta-Gareen oo ka caroodey in Xukuumadda lagu soo daray Roobow, iyado Qoor-Qoor diidan yahay Axmed Maclin Fiqi inuu Wasiir noqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.