(Muqdisho ) Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay qul-qulotooyin sababay in dadka caasimadda ku nool wadnaha farta ay ku qabtaan oo qof kasta uu ku sheego in amaanka uu ka taagan tahay xaalad hubinta la’aan ah.
Weerarkii waqtiga dheer qaatay ee ka dhacay Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho , laga soo bilaabo ilaa iyo hadda waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalkuba ka jira culays Dowladda kaga imaanaya dhanka amniga.
Shakiga ugu badan ee amniga ayaa sii xoogaystay ka dib markii uuu soo baxay warka ku saabsan in kooxdii weerarka ka fulisay Hotelka Xayaat si nabad ah ay uga baxdeen Hotelka ka dib markii ay ka gaareen danihii ay ka lahayeen dad badan ay ku laayeen.
Khubarada amniga ayaa sheegaya in weerarkan uu ka turjumayo, sida Shabaabku uga careysan yihiin gulufka militari ee ka socdo gobolada dalka qaarkood.
Golaha Wasiirada oo yeeshay kulankooda labaad tan iyo markii la soo magacaabay ayaa qayb yar oo ka mid ah lagu soo hadal qaaday amniga mana jirin cid wax laga waydiiyay ama la xisaabiyay taas oo loo fasirtay in awood badan oo la xisaabtan ah uusan ka jirin xilliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradaha amniga iyo Gaashaandhiga xog bay ka bixiyeen amniga ” intaan ma uusan u dhaafin Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Farxaan Jimcaalle kulankii Golaha Wasiirada ee ka dhacay xafiiska Ra’iisulwasaaraha.
Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay weerarkii Hotel Xayaat ka dib ayaa yiri ”
” Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed u balan qaado in Dowladdu ay isla xisaabtamayso masuuliyada in ay qaadi doonto lala xisaabtami doono cid kasta oo u xilsaarnayd shaqadaas , lama caqbali doono qof shaqo loo diray uu sababo wixii dhacayna inay dhacaan ”
Waa uu sii hadlay Ra’iisukwasaare Xamse Cabdi Bare oo waxaa uu yiri ”
”Cid kasta oo gaabis ku yimid cid kasta oo caajis ku yimid waa lala xisaabtami doonaa ”
Saraakiisha Dowladda oo aan wali la xisaabin sida uu sheegayo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadana sheegaya in baaritaan ay wadaan , taas oo dadka qaar ay ku tilmaamayaan in ay tahay mid ka fog masuuliyaddii loo dhiibay ee lagu aminay.
Shabaab oo haddii culays uu soo foolo waxaa la aaminsan yahay in ay qaadaan weeraro xoogan si ay u muujiyaan awoodooda , taas oo Dowladda looga baahan yahay in ay la timaado isa xisaabtan aan ku ekaan afka baarkii .
Isla xisaabtanka laamaha amniga ayaa keeni kara in meesha ay ka saari doonto amni darrada hadda jirta oo shaki badan ay ku gadaamin yihiin cida fudadayso iyo shaqsiyaadka ay tahay in masuuliyada ay qaado..
Hadalka Dowladda waa in uusan ku soo aruurin ayay qubaradu leeyihiin qowda maqashii waxna ha u qaban”
W.Q Hanad Ali Guled
Leave a Reply