Day: January 4, 2025

Home » Archives for January 4, 2025
Digniino adag oo laga soo saaray gobolka Bariga Africa in uu wajihi doono xaalado Abaar ah.
Post

Digniino adag oo laga soo saaray gobolka Bariga Africa in uu wajihi doono xaalado Abaar ah.

Jabuuti (Raxanreeb online) – Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa sheegtay in gobolka Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado qalleyl ah (abaar) oo aan caadi ahayn inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025. Sidoo kale, Xarunta Saadaasheeda ay toddobaadkan soos aartay, ayay ku sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay...

Beesha Xawaadle oo lagu qanciyay in ay aasaan meydadka askartiii Ceel Baraf lagu laayay
Post

Beesha Xawaadle oo lagu qanciyay in ay aasaan meydadka askartiii Ceel Baraf lagu laayay

Beledweyne (Raxanreeb online) – Odayaasha Dhaqanka beesha Xawaadlle ayaa isku raacay in la aaso Meydadka Askarta Ciidanka XDS ka tirsanaa ee lagu dilay degmada Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe. Shirka oo uu shir guddoomiyay Ugaaska beesha  Xawaadlle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayey Odayaasha dhaqanka beesha Cali Madaxweyne  oo ka duulaya go’aankoodii shirka Maxaas iyo kulanka...

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo diiday in uu udhoofo Beledweyne
Post

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo diiday in uu udhoofo Beledweyne

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa saakay ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabbadsugida waxa ay u diideen in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli uu kusii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sidoo kale, Qoraal uu Cabfifitaax Xasan Afrax soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku...

Xiisad colaadeed oo ka curatay Sanaag kadib bayaankii Warsangeli
Post

Xiisad colaadeed oo ka curatay Sanaag kadib bayaankii Warsangeli

Sanaag (Raxanreeb online) – Xiisadda colaadeed ee ka jirta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sare u kacday ka dib markii hadallo hanjabaado ah ay is weydaarsadeen beelaha Warsangeli iyo Isaaq ee wada dega gobolka. Khamiistii waxaa bayaan soo saaray beelaha Warsangeli oo shir uga socday degmada Ceel Buh ee gobolka Sanaag. Shirkaas lagu soo...

Ciidanka Xoogga oo howlgalo ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur
Post

Ciidanka Xoogga oo howlgalo ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur

Xudur (Raxanreeb online) – Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kuwaa oo ku sugnaa deegaanno kuyaalla duleedka magaalada Xudur. Sidoo kale, howlgalkan ay fuliyeen ciidamo cusub oo dhawaan kusoo biiray milatariga Soomaaliya laguna tababaray gudaha degmada Xudur, ayaa la sheegay...

Xildhibaan u ololeeya aqoonsiga Soomaaliland oo kulan laqaatay madaxweyne Ciro
Post

Xildhibaan u ololeeya aqoonsiga Soomaaliland oo kulan laqaatay madaxweyne Ciro

Hargeysa (Raxanreeb online) – Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka dalka UK, ayaa sheegay in uu sii xoojinayo ka shaqeynta sidii maamulka Somaliland loogu aqoonsan lahaa dal ka madaxbannaan Soomaaliya. Sidoo kale, Gavin Williamson oo safka hore kaga jira siyaasiyiinta dhaqaalaha uga qaato Somaliland u ololeynta in dal madaxbannaan noqdaan, ayaa la kulmay Madaxweynaha...

Dowladda Masar oo ka gadooday hadal kasoo yeeray hoggaamiyaha cusub ee Suuriya
Post

Dowladda Masar oo ka gadooday hadal kasoo yeeray hoggaamiyaha cusub ee Suuriya

Qaahira (Raxanreeb online) – Dawladda Masar ayaa lagu soo waramayaa inay dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinta Suuriya, sababo la xiriira inay dawladda cusub ee Suuriya howlgalisay oo doorar laga siiyay nidaamka muwaadiniin Masaari ah oo ka mid ah liiska shaqsiyaad ay doonayeen hay’adaha ammaanka ee Masar. Sidoo kale, Masar ayaana ka carootay doorka muwaadiniin u dhashay...

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo magacaabay guddi ka shaqeynaya diwaangelinta ciidanka Jubbaland ee gobolka Gedo
Post

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo magacaabay guddi ka shaqeynaya diwaangelinta ciidanka Jubbaland ee gobolka Gedo

Kimsaayo (Raxanreeb online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka  Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo. Sidoo kale, Guddigan la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona abaabul iyo qorista ciidamo cusub , kuwaa oo logu tala...