Moscow ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka mid noqday saraakiil ka qalinjabisay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ruushka, iyagoo qaatay shahaadada Master Degree.
Saraakiishan ayaa si gaar ah uga qalinjabisay Maamulka Guud iyo Qorshaynta Istaraatiijiga ah, taasoo ka dhigan guul cilmiyeed oo weyn.
Qalin-jebintani waxaa la tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay tii ugu horreysay muddo 40 sano ah oo saraakiil Soomaaliyeed ka soo qalinjebiyaan Ruushka.

Leave a Reply