Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay Ergayga Gaarka ah, ee Ururka EAC

Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay Ergayga Gaarka ah, ee Ururka EAC

Muqdisho (Raxan Reeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa u magacaabay Ergayga gaarka ah, ee Ururka Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa horey usoo noqday Guddoomiyaha bangiga dhexe iyo Wasriirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iskaashiga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa bishii July ka qeeyb galay shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), magaalada Arusha ee dalka Tanzania, asagoona sharraxaad ka bixiyay waxa ay Soomaaliya, ugu dooneeyso ka mid noqoshada Ururkaasi.

“Madaxweyne Xasan, ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya, ay u leedahay inay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed, u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.