Madaxweynihii hore ee Farmaajo oo taageeray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynihii hore ee Farmaajo oo taageeray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna xubin ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kaas oo lagu go’aamiyay habraaca doorashada dalka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo kuna faafiyay bartiisa gaarga ah ee Facebook ayuu ku yiri, “Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay talaabada ay qaadeyn Golaha Wadatashiga Qaran uu yahay himilo ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed, “taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.” Sida uu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay nidaam kasta oo loo guuraya in uu noqdo mid looga heshiiyay wadatashi qaran, “Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah.”

Soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee habraaca doorashada dalka 2024 ayaa ku soo aadeysa xilli ay ka hor yimaadeyn qaar ka mid ah Siyaasiyiin horey xilal kale duwan uga soo qabtay dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa qoraal uu ku dabacay Twitterkiisa uga soo horjeestay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isaga oo ku sheegay qadabada ka soo baxay in uu la mid yahay dhaqankii kacaanka.