Washington (Raxanreeb) — Linda Yaccarino, oo ah madaxa cusub ee shirkadda baraha bulshada ee Twitter-ka ayaa shaqo billowday kahor intii la filayay.
Ms Yaccarino, oo hore u ahayd madaxa xayaysiinta ee NBCUniversal, ayaa ku biirtay maalmo kadib markii Twitter-ka uu waayay madaxii labaad ee kalsoonida iyo badbaadada.
Elon Musk ayaa ku dhawaaqay 12-kii May in ku-xigeenku ay kusoo biiri doonto lix toddobaad gudahood hase yeeshee taariikhdeeda bilawga ah ayaa u muuqata in la soo hormariyay.
Twitter ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay shaqaaleysiisey Joe Benarroch oo ka tirsan NBCUniversal.
Mr Benarroch wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenka sare ee isgaarsiinta, xayeysiinta iyo iskaashiga ee shirkada weyn ee warbaahinta.
Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay dhowr sano Meta, shirkadda Facebook iyo Instagram. Twitter-ka wuxuu diiradda saari doonaa hawlaha ganacsiga.
Mr Musk waxa uu sheegay in uu qorsheynayo in uu ka sii mid ahaado shirkadda.
Maalqabeenka iska leh Twitterka ayaa sheegay sanadkii hore in uu iska casili doono xilka madaxa fulinta marka uu helo “qof shaqada qaban kara”.
Waxay daba socotay ra’yi ururin Twitter-ka la sameeyay markii Mr Musk uu dadka ka codsaday inay u codeeyaan inuu is casilo iyo in kale 57.5% ayaa u codeeyay haa.
Ms Yaccarino, oo 60 jir ah, ayaa kormeeri doonta hawlaha ganacsiga ee goobta, oo la daalaa dhacaysay hoos u dhac dakhli.
Tan iyo markii uu iibsaday Twitter, Mr Musk wuxuu dhimay 75% shaqaalihiisa oo ay ku jiraan kooxaha lagu soo oogay dabagalka xadgudubyada wuxuuna bedelay sida shirkadu u xaqiijiso xisaabaadka dhabta ah.
Dhanka kale, dadka wax xayaysiista ayaa badankood faarujiyay shirkadda oo ay maamulkeeda ku qanci waayeen.