Muqdisho (Raxanreeb — Waddooyinka qaar ayey biyuhu buux dhaafiyeen iyada oo la arkayo biyo liqaya baabuurta halka jidadka qaar lagu dhex marayo doomaha ka samaysan bacda la buufiyey.
Wadda walba oo soo gasha ama ka baxda magaalada Palm Spring ayaa gebi ahaanba go’an.
Dhanka kale saameynta duufaanta ayaa la arkayaa geedo waaaweyn oo ay kusoo lagaday wadooyinka, guryaha iyo gawaarida. Waxaa meelaha qaar la arkayaa tiirarka korontada oo xarkohoodii wato oo kusoo dhacay waddooyinka waaweyn, taas oo halis kale oo dhanka korontada ah yeelan karta.
Qadka 911 ee gurmafdka degdegga ah ayaa sidoo kale ka go’ay magaalada Palm Spring iyada oo dadka lagula taliyey in ay wacaan lambarrada kale ee gurmadka degdegga ah ama ay farriin u diraan. Waxay masuuliyiintu sheegeen in ay hagaajin ku socota lambarka wicitaanka gurmadka ee 911.
Duufaantan ayaa ah tii ugu darnayd ee muddo 80 sano ah ku dhufata gobollada koonfur galbeed ee Maraykanka.