Wasiirka Batroolka DF muxuu ka yiri xoreeyntii Al-Shabaab ee HirShabeelle

Wasiirka Batroolka DF muxuu ka yiri xoreeyntii Al-Shabaab ee HirShabeelle

Muqdiaho (Raxanreeb) — Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle wax badan laga bartay.

Waxa uu sheegay in Dadka deegaanka ay muujiyeen isku duubni iyo go’aan wadajir ah oo dhaliyay in deegaanno badan laga qabsado ‘AS’ halka meelaha kale ay weli joogaan la abaabulayo sidii loo weerari lahaa waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa shaaciyay in Reer Hiiraan ay ka feejigan yihiin in ‘AS’ ay dib usoo weerarto saldhigyada iyo magaalooyinka laga qabsaday, taasi hirgelinteeda ayuu hordhigay saraakiisha Federaalka & kuwa Deegaanka sida ay uga digtoonaadaan.

Qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayuu Wasiirka Batroolka XFS ku sifeeyay mid lagu xoojinayo abaabulka socda laguna dhiirragelinayo tallaabooyinka loo qaadayo duullaanka la abaabulayo.

“Madaxweynaha JFS Hiiraan wuu sii joogayaa ilaa laga soo gabagabeeyo qorshaha dagaalka, waxaa diiradda la saarayaa xoojinta wadashaqeynta ciidanka Federaalka iyo Dadka Deegaanka si wadajir looga wada qaybqaato, waxaa laga hortagayaa wadashaqeyn xumo soo kala dhexgasha ciidamada si looga dhowrsanaado wax weliba oo is faham darro ah, meel marka la qabsado waxa aan sameyn jirnay in macawiisley kale laga aasaaso, wixii khibrad ah ee meelahaas laga bartay sidii loogu dabaqi lahaa meelaha kale ayaa laga wada hadlayaa” ayuu yiri Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadyii u dambeeyay bishii Agoosto waxa uu joogay Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Shalay waxaa Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ugu billowday maalmo kale oo uu diiradda ku saarayo safarkiisa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo halkaas ka abaabulaya duullaan horleh sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka.