Xasan Cali Kheyre muxuu ka yiri guul darradii Xildhibaaanad Marwo

Xasan Cali Kheyre muxuu ka yiri guul darradii Xildhibaaanad Marwo

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka falceliyay dhabar-jebinta lagu lagu sameeyay xildhibaan Marwo Bashiir Cabdi oo isku sharraxday madaxweynaha baarlamaanka adudunka, balse laga guulaystay.

Khayre ayaa marka hore dadaalkeeda ku bogaadiyay xildhibaanadda, maadaama ay isku deyday inay dhaqangeliso hamigeeda ku aadan hoggaaminta baarlamaanka adduunka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay xaq u lahayd in la garab istaago, maadaama ay huwaneyd magaca iyo sharafka dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji ugu hambalyeynayaa iskudaygii ay ku xaqiijineysay hammigeeda ay ugu tartameysay jagada Madaxweynaha Baarlamaanka adduunka. Qof walba oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyhay in lagu garab istaago ka dhabaynta hammigiisa, si uu meel u gaaro, sharafta Soomaalinimadana kor ugu qaado” ayuu yiri qoraal kooban oo Khayre soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Siyaasiga caanka ee Xasan Cali Khayre oo sii hadlaya ayaa ku dhalilay dowladda federaalka inay iyadu hor istaagto xildhibaan Marwo oo olole ballaaran ka sameysay gudaha iyo dibadda.

“Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaan Marwo Cabdi ay ka heli wayso dowladda ay ka tirsan tahay xuquuqdii muwaadinnimmo ee ay ku lahayd, in ay ka heshaa ha joogtee in laga hiiliyaana waa dulmi laga galay muwaadin Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Waxaa kale oo uu yiri “Xaqiiqatan waa wax laga damqado, hoosna u dhigaya hammiga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jecel in ay dalkooda u adeegaan”.

Sababta keentay in tartanka laga reebo waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso laba kursi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ku biirista bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidaas daraadeedna ay Soomaaliya dooratay inay Tanzania u tanaasusho, iyadana ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay ugu biiri laheyd Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Si kastaba, Marwo Cabdi Bashiir ay horay u sheegtay in la dhabar-jebiyay, isla-markaana xustay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab ku noqotay.