PUNTLAND oo kulan deg deg ah ka yeelatay fatahaadaha ka jira Gaalkacyo

PUNTLAND oo kulan deg deg ah ka yeelatay fatahaadaha ka jira Gaalkacyo

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlayay fataadaha ka jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaas oo dad badan uu sameeyay fataahada jirta.

Waxaa shir guddoominyay kulankan oo ahaa mid deg deg ah Madaxwaynaha Saciid Deni & Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaana ka qayb galay masuuliyiinta Hay’adaha Gargaarka ee fadhigooda uu yahay Puntland.

Mar Karaash ayaa inta uu kulanka socday ku canaantay Hay’adaha samafalka inay ka gaabiyeen inay u gurmadaan Qoysaska dhibaatadu ay haleeshay ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Inta uu shirka socday ayaa la iska qaatay afar qodob oo muhiim ah oo wax ka qaban kara xaaladda fataahadaha ee ka jira Gaalkacyo waxayna kala ahaayeen :
1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.

3. Sidii loogu gargaari laha  dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

Si kastaba deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo waxaa ka jira dhibaatooyin ka dhashay roobab halkaaas ka da’ay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.