Nairobi (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya in Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ay ku dagaallameen qeeybo ka tirsan magaalada Gaarisa, weerarka ayaa la sheegaya in uu ku billowday walxaha qarxa markii hore halka kadibna fool ka fool xabad la iskula tagay.
Weerarkan ayaa yimid kolonyo ciidamo Kenyan ay wateen kuwaas oo ku socday inta u dhaxeeysa Dhadhaab iyo Xagardheere ayaa xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen, halkaas oo labada dhinacba ay ku dagaallameen.
Lama sheegin khasaara soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay welina ma jirto warar kasoo baxay laamaha ammaanka ee Kenya.
Kooxda Al-Shabaab, ayaa soo saartay war qoraal ah, halka ay sheegteen inay gubeen gaati ay lahaayeen ciidamada Kenya.
Kenya ayaa ciidamo fara badan soo dhoobtay xadka labada dal ay wadaagaan kuwaas oo lagu sheegay in ay sugayaan amniga halka ay ka hortagayaan weerarada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah, ku qaada wadamada deriska inkastoo ay ugu badan tahay dalka Kenya, kuwaas ay sabab ugu dhigayaan ciidamada ka jooga Dalka Soomaaliya.