Golaha ammaanka ” Ciidamo kale waa in Soomaaliya la geeyaa” – Go’ aan cusub

Golaha ammaanka ” Ciidamo kale waa in Soomaaliya la geeyaa” – Go’ aan cusub

NEWYORK (Raxanreeb ) Maanta oo Khamiis ah xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar cusub ka soo saaray ciidanka ATMIS ee  sii joogitaanka gudaha Soomaaliya.

Shir ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo fadhigoodu ayaa ku muujiyay qaraarkooda in Midowga Afrika in ilaa 17,626 askari ay geeyaan  Somaaliya oo biiraya ATMIS ilaa 31-ka December ee sanadkan 2023-ka.

Xubnaha Golaha amaanka ayaa talaabadan ku sheegay in ciidankan cusub ay ka qayb qaadan doonaan howlgalka wajiga labadaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in mudda ah waxay galangal ugu jirtay sidii ciidanka ATMIS u sii joogi lahayeen dalka inta ka dhiman sanadkan waxaana hore dalka uga baxay ciidamo kale oo horudhac u ah ka bixitaanka dalka ee ciidanka Midowga Afrika.

Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS.

Ujeeddada loo baddalay magaca waxaa qeyb ka ahayd in la guda galo diyaargarowga sidii ciidankaas looga bixin lahaa Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.