Kismaayo (Raxanreeb) — Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay laanta Bangiga dhexe ee magaalada Kismaayo, tallaabo muhiim u ah, dowladda ayna tahay horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada in loo dhoweeyo adeegyada dowladda.
Bangiga Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta la wareegay xarun uga taallay magaalada Kismaayo taasoo uu kala wareegay maamukka Jubbaland, xaruntan ayaa la dayactiri doonaa halka dhowaan dib loo howlgalin doono.
Xamsa Barre, ayaa ku ammaanay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, dib u howlgelinta laanta magaalada Kismaayo taasoo aan shaqeeyn 30 inkabadan.
Munasabadan, ayaa ka qeeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre, guddoomiyaha bangiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, iyo mas’uuliyiin kaloo ka kala tirsan DF iyo Jubbaland.
Bangiga Dhexe, ayaa dhowaan billaabay inuu xarumo ka wada furto maamul goboleedyada dalka kuwaas oo u wada shaqeeyn doono Bulshada.