DF oo sheegtay in ay dileen 130 ka tirsan Al-Shabaab

DF oo sheegtay in ay dileen 130 ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanada HirShabelle, Jubbaland, iyo Galmudug, oo lagu weeraray kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay howlgalladii ugu danbeeyay ee ay qaadeen Ciidamada Xogga Dalka, iyo malleeshiyada macawiisleyda in lagu dilay 13 ka tiran kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in looga qabsaday hub badan iyo goobo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen oo lagu burburiyay halkaasi.

“Inta ay socdeen howlgalladan waxaa la dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarijta, waxaa laga soo furtay hub, waxaana la burburiyay goobo gabaab u ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab, laga saaray dhul weeyn sida Howdka Shabeelloow, deegaanka Caadley, Buurta Yacgoos, iyo deegaanka Baraag Ismaaciil, oo kawada tirsan Gobolka Galmudug.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la xoreeyay deegaannada Ceeldheer, Masagawaa, iyo deegaanada hoos yimaada oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, kuwaas oo horey dhoowr mar Al-Shabaab, laga saaray balse ugu danbeeyntii ay qabsadeen kooxda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgallo kale oo culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda in ay ka dhaceen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka.

Ugu danbeentii Wasaaradda ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, si looga sifeeyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka difaaca shacabka waxaa ka go’an inay sii labo laabaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta inta ay ka xaqiijinayaan in dalkeena ay ka caribitaan Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka akhriso