Nairobi (Raxanreeb) — Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shir muhiim ah.
Shirkan oo ah midkii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Wasiirrada Maaliyadda dalalka qaaradda Afrika.
Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah, wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maal-galiyo dalalkaasi.
Qodobada ay soo saaraan Wasiirrada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah, heer madaxweyne, kaasi oo sida qorshuhu yahay qabsoomi doona 29-ka April 2024-ka.
Shirkaan, ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dhowaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin Caalami ah.
Dowladda ayaa maal-gelinta Caalamiga u raadinaysa, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taasi oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Soomaaliya, ayaa sannadihii ugu dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo daba-yaqaada sanadkii hore ee 2023-ka si rasmi looga cafiyay deyntii uu caalamka ku lahaa, halka sannad kastana ay ka gasho kaalinta 1-aad Musuq Maasuqa dalalka Adduunka oo dhan.