Hargeysa (Raxanreeb) — Somaliland ayaa baaq adag u dirtay Beesha Caalamka, kaasi oo la xiriira kiiska dilka Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, Cabdinaasir Muuse Dahable, oo nabad-sugidda u xirtay shakhsiyaad kasoo jeeda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka dalbaday Caalamka inuu soo fara-geliyo arrintaan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee kiiska loo xirtay loo geystay jirdil xooggan.
Sidoo kale Wasiir Ciise ayaa sheegay in si dhow ula socoto Somaliland, xarigga iyo tacaddiyada loo geysanayo muwaadiniinta Somaliland, ee ku sugan gudaha Muqdisho ee ay ku sameynayaan hay’ado dowladeed.
“Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanku inay deg-deg u fara-geliyaan dhacdadan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wuxuuna ka dalbaday dhinacyadaasi in xorriyaddooda dib loogu soo celiyo dadkaasi xiran oo uu sheegay in jirdil loo geystay islamarkaasna ay u xiranyihiin sifo sharci darro ah, tan iyo bishii February, iyagoo aan loo hayn wax lagu xukumo.
Ugu danbeenytii Wasiirka ayaa soo bandhigay dhammaan magacyada dhallinyarada u xiran NISA, kuwaas oo u shaqeynayay hay’adaha kala ah, ICAO iyo WFP, kuwaasi oo kala ah;
- Mubaarig Nuur Cali – ICAO
- Nuuradiin Ileeye – ICAO)
- Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khaliif – Salaf – ICAO.
- Maxamed Cabdiraxmaan – WFP
- Almis Saleebaan –WFP
Dhowr jeer horey waxaa warbaahinta kasoo muuqday ehellada dhallinyaradan u xiran NISA, iyagoo sheegay in jirdil ba’an oo koogto ah, loogu geysto gudaha Xabsiga, islamarkaana xaaladdoodu ay aad u liidato.
Dhallinyaradan oo ah, reer waqooyi ayaa laga soo qabtay guriga marxuum Cabdinaasir Dahable, oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliya, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.