Tobanaan kun oo Isra”iiliyiin ayaa isku soo baxay si loo gaaro heshiis xabbad joojin ah

Tobanaan kun oo Isra”iiliyiin ayaa isku soo baxay si loo gaaro heshiis xabbad joojin ah

Gaza (Raxanreeb) — Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay banaanbax wahkti dane oo habeenkii xalay ahaa, iyagoo ku baaqaya in heshiis laga gaaro dagaalka Gaza, la haystayaashana lagusoo celiyo guryahooda, iyada oo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza ay weli ka socdaan magaalada Qaahira.

Dibad-baxayaasha Tel Aviv ayaa ku qeylinayay “dagaalku ma ahan mid muqaddas ah, nolosha ayaa ah”, iyadoo qaar ka mid ah dadkaasi ay ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu doonayo inuu sii dheereeyo colaadda Gaza.

Banaanbaxa ayaa ku soo aaday iyadoo wafdi ka socda Xamaas uu Sabtidii kula kulmay dhexdhexaadiyeyaasha dalka Masar.

Kooxdu waxay sheegtay inaysan jirin wax cusub oo soo kordhay, laakiin waxay raaciyeen “wareeg cusub ayaa bilaaban doona” Axadda.

Wadaxaajoodayaasha ayaa dib u bilaabay wadahadallo xabbad joojin ah oo muddo dheer ka socday Qaahira – oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar iyo Qatar – si loo hakiyo weerarka Israel ee Gaza si ay u sii daayaan la haystayaasha.

Qodobka ugu weyn waxa uu u muuqdaa in uu yahay, inuu heshiisku noqon doono mid ku meel gaar ah ama mid joogto ah.