Soomaaliya oo Liibiya kala hadashay arrinta muhaajiriinta xilli dhowaan dad badan laga soo furtay Magafe

Soomaaliya oo Liibiya kala hadashay arrinta muhaajiriinta xilli dhowaan dad badan laga soo furtay Magafe

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay siihayaha Safaaradda Liibiya, Nasr Maxamed Assanosi, isaga oo kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Tahriibiyaasha.

Wasiir Fiqi ayaa Danjiraha kala hadlay laba arrimood oo kala ah, xoojinta xiriirka labada dal iyo bedqabka Muhaajiriinta Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

Kulankan inta uu socday ayaa waxaa aad xoogga lagu saaray arrimaha muhaajiriinta ku sugan Liibiya, kuwaas xaaladdooda caafimaad iyo badqabkooda iyo ilaalintooda.

Sidoo kale waxaa iyadana laga hadlay sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta rabta in ay dalka dib ugu soo laabato si bad-qab ah.

Dhinaca kale waxaa kualanka kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo ammaanka dalka Liibiya, sida lagu xusay qoraalka wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku sugan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sannado badan magafe uu ku haysto dalkaasi, lacago badan oo madax furasho ah, waxaana ku haystaa xaalado nololeed oo aad iyo aad u liidata, iyadoo dhallinyardu isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho, halka qaarkood 15 iyo sanno inkabadan xabsiyadaasi ay ku jiraan.