Guudlaawe oo hay’daha QM o codsaday in ay xafiisyo ka furtaan deegaannada Hirshabeelle

Guudlaawe oo hay’daha QM o codsaday in ay xafiisyo ka furtaan deegaannada Hirshabeelle

Jowhar (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi kulan kula qaatay masu’uliyiin ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.

Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiradda waxaa lagu soo saaray sidii loo kordhin lahaa shaqada ay ka hayaan deegaannada maamulkaas, isaga oo madaxweynaha uga mahadceliyey Hay’adahaan mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.

Wafdiga Hay’adaha ayaa waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid, kaas oo madaxda maamulka la wadaagay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle, waxa uu xusay inay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee ka wadaan deegaannada Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe, ayaa faray mas’uuliyiinta Hay’addihii uu maanta kulanka la qaatay in ay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Dhanka kale magaalada Baladweyne, waxaa iyadana lasoo werinayaa in Wabiga Shabeelle uu sameeynayo fataahado, inkastoo ay gaarsiisneyn heerarkii hore.