Yowkoyow oo 16 sano ka tirsanaa Al-Shabaab oo bixiyay xogo yaab leh

Yowkoyow oo 16 sano ka tirsanaa Al-Shabaab oo bixiyay xogo yaab leh

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Bakool, ayaa maanta isku soo dhiibay Ibraahim Sheekh Aada oo 16 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, muddadaasi dheer.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada Al-Shabaab dhexdeeda ugu yaqaanaan ku sheegay (Yowkoyow) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Yowkoyow, ayaa sheegay in 16 sano uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, taas oo ka dhigan in tan iyo markii la aas-aasay uu ku biiray kooxda kana barbar dagaallamayay.

Ibraahim ayaa hadda markii uu ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuu ka tirsanaa qeybta Jabhadaha oo ah kuwa u dagaalama kooxda ee howdka ku jira.

Sidoo kale Ibraahim ayaa sheegay in uu ku noolaan waaye nolosha adag iyo duruufaha duurka, isla markaana uu isaga go’aansaday in uu kasoo goosto, isagoona saaxiibadiis ugu baaqay inay kasoo goostaan kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si aad isku soo dhiibeysa maalmahaan, waxayna sababta ku sheegeen xubnihii yimid inay u dul qaada waayeen duqeymaha iyo gaajada heysata.

Toddobaadkii hore waxaa sidan oo kale isku soo dhiibay labo xubnood, oo mid kamid ah, uu kooxda ka tirsanaa muddo 12 sano inkabadan.

Xubnahan ayaa lagu kala magacaabaa Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali Dheere), kaasi oo tirsanaa kooxda in kabadan 12 sano.

Sidoo kale ninka kale ayaa isna waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullaahi Cali, wuxuuna muddo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa hadda ku dhuumaalaysanaya deegaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Cali, ayaa kooxda kaga biiray Al-Shabaab deegaanka 20 Jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada Shacabka Soomaaliyeed, ee ku nool gobolka Baay.

Cali Xasan Cali, ayaa kasoo qeyb-qaatay dagaallo badan oo kooxda ay gashay, kuwaas oo intooda badan ka dhacay deegaannada gobolka Baay.