Puntland maxay ka tiri warka ku saabsan in Daacish ay ku xoogeysneyso bariga Soomaaliya?

Puntland maxay ka tiri warka ku saabsan in Daacish ay ku xoogeysneyso bariga Soomaaliya?

Garowe (Raxanreeb) — Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykanka ah, waxaa sii kordhaya khatarta ay leeyihiin Daacishta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in ay hoy u noqoneyso hugaamiyaasha caalamiga ah ee ururkan argagixisada ah.

Warkaan ayaa ku soo aadaya xilli dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay duqaymo ka fuliyeen buuraha ay ku sugan yihiin kooxdaas, ee ku yaalla bariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay sheegeen dhawaan, in ay mid ka mid ah weeraradii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday kooxda lagu bartilmaameedsaday ninka ugu sareeya kooxda garabkooda Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin.

Balse ilaa iyo haatan ayaan jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta nolosha ama geerida hugaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka qaybtooda Soomaaliya.

Hadaba sideebay u arkaan warkaan laamaha amniga Puntland?

Buuraha ku yaalla gobolka bari ee Soomaaliya ee Calmadoow iyo Calbari ayaa ah halka saldhigga u ah Daacishta Soomaaliya, gobolkaas ayaana ah mid uu maamulo dawlad goboleedka Puntland.

Xiriiro aan la sameynay hay’adaha amniga Puntland ayaa waxa ay noo sheegeen in dhankoodu aysan arag qatar sidaas u sii kobceysa oo haatan ka imaan karta urur Daacish garabkooda Soomaaliya, balse ay og yihiin uun in ay wali kooxdu ku sugan tahay deeganadooda.

Mar aan waydiinay saraakiil sirdoonka Puntland ka tirsan in ay dareensan yihiin khatarta laga digayo, ayaa waxay BBC da u sheegeen in aysan ogayn culays amni iyo madax caalami ah oo ururku leeyahay oo yimid deegaanada ay ka arimiyaan.

Markasta in ururku yahay khatar amni ayay xuseen saraakiisha aan la xiriirnay.

Sidee u arkaan dadka amniga u dhuun duleela?

Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland, oo naga codsaday in aynaan magaciisa baahin ayaa BBC da u sheegay in awoodda kooxda Daacish ay isi soo tareysay tani iyo sanadkii 2018 kii, ayna saldhigteen buuraha Cal-bari, halkaas oo ay dagaalo adag kula galeen ururka al Shabaab ee xulufada la ah al Qaacida.

Tan iyo sanadkii 2023 dii ayaa waxa uu sheegay in ay socdeen dagaaladaas, kadibna ay xaqiijiyeen in ay heli karaan aag amni ah oo ay si nabdoon ku joogi karaan madaxda ururka ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay sarkaalkaan in khatarta ugu wayn ee Daacishta Soomaaliya ay ahayd dagaallo uga imaan kara dhanka Shabaabka oo ay ka awood roonaadeen, sidaas daraadeedna ay haatan ku jiraan xaalad xasiloon oo u suuragalin karta in madaxdoodu ay si amni ah ku joogi karaan buuraha.

Axmed Kaboole oo isna ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa waxa uu qabaa in buuraha Puntland ay haatan yihiin halka ugu adag ay heli karaan kooxdu, ayna mar walba iyaga oo ka soo talaabaya dhinaca badda ay madaxdooda Bariga dhexe ku soo jabay ay imaan karaan Soomaaliya.

“Saldhig waxay u yihiin bariga Afrika maadaama ay ku soo jabeen Siiriya iyo Ciraaq,” ayuu Kaboole u sheegay BBC da.

Dhanka kale sarkaalkaan horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland ayaa sheegay in xogaha sirdoon ee uu hayo ay sheegayaan in tirada ugu badan ee xubnaha kooxda ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin ajanabi.

“Nimankaan Daacish…boqolkiiba in ka badan ama ku dhaw lixdan waa ajaanib, ma aha Soomaali”, ayuu yiri sarkaal oo ka hadlayay Daacishta ku sugan aagga Puntland.

Marar badan ayuu dawlad goboleedka Puntland aad isugu dayay in ay ka sifeeyaan buuraha ay uga sugan yihiin deeganadooda sida uu sheegay sarkaalku balse uma aysan suuragalin.

“Dagaalo badan bay xitaa la galeen ciidamada [Puntland], ilaa saddex dagaal baa la galay xilligaan dani” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlayay BBC da.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaqyo ka sameysaa Koonfurta Soomaaliya, iyada oo marar badan sheegatay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale weeraro uu ka gaystay deegaanada gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Boosaaso waxa uu ku dilay ganacsato badan, sarkaalka ayaa sheegay in weeradaas kadib ay dhaqaalo ka aruuriyeen deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadeen maalgalinta weeraro kale oo ay ka geysteen Soomaaliya.

Xigasho BBC Somali