Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Juun

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb  galay munaasabadda 26-ka Juun

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay adkeystaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay u midoobaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo sheegay in dowladdu ay ka go’antahat ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri “Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro,” .

“Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sidoo kale Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay xad-gudubka Itoobiya ee ka dhanka ah, madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed, uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada midnimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, maamulka Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inooga tageen Aabeyaasheenna.

Munaasabadda 26-ka Juun ayaa lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyadoo ay kasoo qeyb-galeen madaxda dowladda Federaalka, iyo xildhibaano wasiiro marti sharaf kale.

Dhanka kale Somaliland ayaana iyadana xarunta madaxtooyada ku dhigatay munaasabad ballaaran oo si heer sare ah, loo soo agaasimay halkaas oo uu ka hadlay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.