Ukraine oo loo fasixi doono Gantaalada ridada dhaadheer si ay ugu adeegsato dagaalka Ruushka kula jirto.

Ukraine oo loo fasixi doono Gantaalada ridada dhaadheer si ay ugu adeegsato dagaalka Ruushka kula jirto.

Ukrain (Raxanreeb online) – Dowladaha reer Galbeedka, ayaa ka fikiraya sidii ciidamada dowladda Ukraine loogu fasixi lahaa in daaalka ay kula jiraan ciidamada milatariga Ruushka u adeegsadaan gantaalada halista badan ee riddada dheer ee Ukraine loogu deeqay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la kulmay Ra’isuil Wasaaraha dalka Inguriiska Keir Starmer, ayaa kawada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen taageerada ay siiyaan dowladad Ukraine, si ay isaga difaacaan duullaanka ay kusoo qaadeen ciidamada Ruushka.

Sidoo kale, Joe Biden ayaa sheegay in iyaga iyo Ingiriiska ka go’antahay sidii ay taageero u siin lahaayeen ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka, waxa uu intaa ku daray in laga fikirayo sidii Ukraine loogu oggolaan lahaa in loo fasaxo isticmaalka gantaallada riddada dheer.

Dhanka kale, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu deeqay dowladda Ukraine hub kala duwan ay  ku jiraan gantaallada riddada dheer, taa oo laga cabsi qabo in markii ugu horreysay dagaalka u adeegsadaan ciidamada Ukraine ee dagaalka is difaaca ku jira.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaana ka digay dagaal ay la galaan reer Galbeedka ,haddii ciidamada Ukraine ay adeegsadaan gantaallada ridadda dheer ay ugu deeqaan waddamada reer Galbeed qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.