Lix qof oo culumo ahaa oo lagu dhex dilay Masjid kuyaala magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka Soomaalida

Lix qof oo culumo ahaa oo lagu dhex dilay Masjid kuyaala magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka Soomaalida

Wardheer (Raxanreeb online) – Waxaa xalay deegaan hoostaga magaalada Wardheer ee katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen kana caroodeen, kaddib markii wadaado ku sugnaa masjid gudihiisa la weeraray laguna laayay .

Sidoo kale, maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in gudaha masjidka galeen kuna dhax dileen lix nin oo culumo ahaa, kuwaa oo xilliga la dilayay ku sugnaa masjidka, waxaana raggan oo shan kamid ah isku qoys ahaayeen lagu dilay gudaha masaajidka.

Dhanka kale, dadka deegaanka oo falkan aad uga naxay ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan laayeen wadaadadan masjidka ku sugnaa, waxa ayna falkaasi ku tilmaameen in uu ahaa mid salka ku hayay aano qabiil oo u dhaxeeyay beelo aagaasi wada degan.

Ciidamo katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gaaray goobta culimada xalay lagu laayay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan maleeshiyaadkii geestay falkaasi argagaxa lahaa.

Sikastaba, deegaanno dhaca magaalada Wardheer ayaa waxaa ka jira colaad u dhaxeysa maleeshiyaad halkaasi wada dega, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ciidamada dowlad deegaanka qeyb ka yihiin colaada ayna dad shacab ah halkaasi ku dileen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.