Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Kenya oo bilaabay mooshin xilka looga qaadaayo madaxweyne kuxigeenka Kenya

Nairobi (Raxanreeb online) – Xildhibaano katirsan Baarlamaanka labada aqal ee dalka Kenya ayaa durba bilaabay hannaan xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay isaga iyo Madaxweyne William Rutu.

Rigathi Gachagua ayaa sidoo kale, lagu eedeynayaa in uu kulug lahaa dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Kenya saddex bilood kahor, inuu ku lug leeyahay musuqmaasuq, inuu dowladda yasay isla markaana uu u ololeynayay kala qeybin siyaasadeed oo qabaa’illada dhexdooda ah.

Arrintan ayaa daba socotaa isku dhac weyn oo soo kala dhex galay madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa, mooshinka xil ka qaadista ayaa la filayaa inuu si fudud uga gudbo labada aqal ee baarlamaanka, kadib markii mucaaradkii ugu weynaa ay ku biireen xisbiga Ruto kadib dibadbaxyadii dhowaan.

Dhanka kale, boliiska ayaa sidoo kale xildhibaannada xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka ku eedeeyay inay maalgeliyeen ayna soo abaabuleen burcad si ay u dhacaan ayna rabshad u sababaan xilligii ay socdeen dibadbaxyadii canshuurta looga soo horjeeday ee dhacay bishii June. Rigathi Gachagua ayaa si kastaba difaacay xildhibaannadaas wuxuuna sheegay in eedeymaha looga gol leeyahay in magaciisa lagu ceebeeyo taageerayaashiisana lagu dacweeyo inay ku lug leeyihiin xil ka tuurista dowladda.

Hardanka awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa horseeday walaac laga qabo degganaan la’aan dowladda dhexdeeda ah, xilli Kenya ay bartanka uga jirto xasarad qoto-dheer oo dhaqaale.

Ruto ayaa Gachagua u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo haddii la doorto doorashadii 2022, markaasoo uu ka guuleystay raysal wasaarihii hore Raila Odinga kaddib doorasho si adag loogu tartamay.

Gachagua ayaa kasoo jeeda gobolka codadka ugu badan laga helo ee Mount Kenya, wuxuuna taageerayaal badan usoo jiiday Ruto.

Si mooshinkan loo meel mariyo, waxay u baahan tahay taageerada ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha labada aqal, iyadoo aysan ku jirin xildhibaannada lasoo magacaabay.

Xildhibaannada taageersan mooshinka ayaa kalsooni ku qaba in la meel marin doono.

Balse Gachagua ayaa caddeeyay inuusan gacmaha laaban doonin xilkana uusan ka degi doonin isagoo aan dagaallamin.

“Madaxweynaha wuu ku amri karaa xildhibaannada inay joojiyaan. Marka, haddii ay sii wadaan, wuu ku jiraa,” ayuu u sheegay warbaahin gudaha ah.

Ruto ayaa hore u ballan-qaaday inuusan Gachagua gelin doonin “ciriiri siyaasadeed”, oo la mid ah tii uu isagu la kulmay markii uu madaxweyne ku xigeen u ahaa ninkii uu xukunka kala wareegay, Uhuru Kenyatta.

Iyadoo xubno ka tirsan xisbiga Odinga ay ku biireen dowladda kadib dibadbaxyadii ay dhalinyarada horkacayeen ee ka dhacay Kenya kuna qasbay Ruto inuu ka laabto kordhinta canshuuraha, xaaladda siyaasadeed ayaa is beddeshay – iyadoo madaxweyne ku xigeenka uu u muuqday mid aad loo takooray oo go’doon la geliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.