DEG DEG: Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay degmada Deyniile & + Sbabta loo dilay.

DEG DEG: Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay degmada Deyniile & + Sbabta loo dilay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Waxaa daqiiqado kahor xaafada loo yaqaano SS-ta ee katirsab degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, lagu dilay afar nin oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkaasi fuliyay kooxo hubeysan oon heybtooda wali la caddeyn.

Sidoo kale, raggan la dilay ayaan ilaa hadda wax xog dheeraad ah laga heyn waxa ay ahaayeen iyo sababta loo dilay, waxaa socda baaritaanno ay wadaan laamaha amniga Deyniile gaar ahaan booliiska iyo nabadsugida.

Dhanka kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka la dilay ay ahaayeen ganacsato, kuwaa oo la sheegay in dukaaman ay lahaayeen ku xireen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV iyaga oo fulinaya amarka dowladda.

Ugudambeyntii, Jimcihii ayaa sidaan oo kale xaafada Suuqa Xoolaha loogu dilay nin ganacsade ahaa, kaa oo isna la sheegay in loo dilay sababo la xariira in kaamiro uu ku xiray goobtiisa ganacsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.