Shaqadii garoonka diyaaradaha Beledweyne oo istaagtay.

Shaqadii garoonka diyaaradaha Beledweyne oo istaagtay.

Beledweyne (Raxanreeb online) – Waxaa Maanta gebi ahaan istaagay Shaqada garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo si maalinle ah duulimaadyo u tegi jiraan una soo bixi jireen.

Sababaha uu weyn ee Maanta u istaagtay Shaqada Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay tahay kadib Markii xalay Roobab xoogan ay Magaalada ka Da”deen taasoo keentay in Biyo badan ay fariistaan Garoonka oo ah dhul bacaad ah.

Warar aan helnay ayaa sheegaya inay dib u dhaceen dhowr duulimaad oo Maanta tegi lahaa iyo kuwo ka imaan lahaa Magaalada Beledweyne taas oo sabab u ah Roobka xalay ka da’ay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Maamulka HirShabeelle oo ay isaga kala dambeeyeen Saddex Madaxweyne ayaan ku guuleysan in ay dhisaan Garoonka Diyaaradaha Beledweyne si aysan hakad u gelin Shaqada Garoonka maadaama Maamulka uu dhaqaalo badan ka helo.

Dadka Reer Beledweyne ayaa ku qaba dhibaatooyin kala duwan markii uu roobka yimaado hakadka ku yimaada Shaqada Garoonka Diyaaradaha , waxaana dib u dhac ku yimaada Safaro Caafimaad iyo kuwo kale oo ay ku imaan lahaayeen magalada Muqdisho iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya.

Sanad kasta markii uu da’o Roobka ayaa waxaa gebi ahaanba xirma garoonka Diyaaradaha Magalada Beledweyne oo aan wax diyaarad ah kusoo degin,kadib markii ay galaan biyo farabadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.