Suuqa Waaheen oo qaab casri ah loo dhishay iyo wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne Biixi oo booqday

Suuqa Waaheen oo qaab casri ah loo dhishay iyo wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne Biixi oo booqday

Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweynaha xilka kasii degaya ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarigga ka jaray suuqa ganacsiga ee Waaheen oo dib u dhis ballaaran loogu sameeyey.

Sidoo kale, madaxweyne Biixi ayaa kormeer ku sameeyey dhismeyaasha casriga ah ee suuqa Waaheen kaddib masiibadii dabka ee suuqaas ku habsatay horraantii bishii April ee sannadkii 2022-kii, waxana uu indhihiisa ku arkay dabaqyada dhaadheer ee halkaas laga dhisay iyo sida suuqaas loogu dhammaystiray wax kasta oo badbaadada dadka iyo hantidaba muhiim u ah.

Dhanka kale, munaasabad kooban oo halkaas lagu qabtay, ayey hadallo kala duwan ka jeediyeen khubaradii gacanta ku hayey dhismaha suuqaas, xubno ku hadlay magaca hantiilayaasha dhismeyaasha suuqa Waaheen iyo madax kala duwan iyo hay’adaha dawladda katirsan, waxana ay si qoto dheer u sharraxeen marxaladihii uu suuqaasi soo maray iyo sida loogu guulaystay hirgelinta dhismeyaasha casriga ah ee la jaanqaadaya suuqyada dhiggiisa ah.

Wasiirrada wasaaradaha Ganacsiga iyo Diinta iyo Awqaafta, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Maxamed Xaaji Aadan ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sidii habsamida laheyd ee uu ugu gurmaday in suuqan dib loo dhiso, lagana gudbo dhammaanba caqabadihii soo wajahay, iyaga oo xusay in suuqaasi yahay mid casri ah badbaadadiisa muhiimad gaar ah la siiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.