Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud iyo Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa Saxiibada caalamka kulan gaar ah kala yeeshay ka mirodhalinta natiijada shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran.
Shirka ayaa si qotodheer looga hadlay dhaqanka fiican ee gogosha nabaeed, wadatashiga iyo dib u heshiisiinta, natiijada wadar ogolka ahayd ee kasoo baxday shirka iyo sidii horay looga sii wadilahaa howlaha qeybaha siyaasadda iyo bulshada rayidka ah looga qeybgelinayo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wax lagu wado; wahadalka, wadar-ogol, wadatashi, hufnaan iyo kaqeybgalka bulshada ee go’aannada masiiriga ah ee qaran-dhiska

Leave a Reply