RW Xamsa oo kulan xasaasi ah la yeeshay Agaasimaha howlgallada Hay’adda IOM

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Ugochi Daniels, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyadoo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda (IOM) taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, waxaana uu xusay mudnaanta ay leedahay inay sii xoojiyaan taageeradooda iyo fulinta mashaariic waxtar u leh dalka.

Dhankeeda, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, ayaa xustay sida ay uga go’an tahay heyadda inay sii wadaan taageerada iyo hirgelinta mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.