Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuna duuli doona magaca Soomaali Airlines, kuwaas oo howl gali doona muddo laba bilood gudahood ah.
Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa shalay lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa faahfaahiyey xogta heshiiskaan iyo diyaaradaha la soo iibiyey.
“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la billownay shirkad la yiraahdo Lema Air Group. Waxaanu ka iibinay Laba dayaaradood oo ah Airbus A320, waxayna hawlgali doonaan muddo laba bilood gudahood ah” ayuu yiri wasiirku.
Dowladda ayaa sheegtay in arrintaan ay tahay guul u soo hoyatay bulshada Soomaaliya iyadoo diyaaradahaan ay Soomaaliya ku xiri doonaan caalamka kale.
“Waxay wax badan ka qaban doontaa dhaqaalaha”, ayuu intaa ku daray wasiirka.

Leave a Reply