Gaalkacyo (Raxanreeb Online) Waxaa saakay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, lagu toogtay Hodan Maxamuud Diiriye oo horay maxkamad ku xuntay dil toogasho ah kaddib markii lagu helay in ay dishay Saabiriin Saylaan oo ahayd Gabar 14 jir ahayed oo gurigeeda ku noolayd.
Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay shaacisay wargelin ku saabsan fulinta xukunkaan oo ugu danbayn saaka la toogtay Hodan Maxamuud Diiriye oo noqotay Haweeneydii ugu horreysay ogaalka xukunkaan lagu fuliyo.
Marxuumad Hodan waxa ay ahayd Hooyo dhashay Carruur lagu sheegay 13, markii xukunka lagu riday waxa ay horay u sheegtay in ay aqbashay xukunkaas diyaarna u tahay in lagu qaado wixii shareecada Islaamka ay ka qabto falka ay gaysatay.
Shacabka Muqdisho, ayaa in dhawaalaba ah isha ku hayay waqtiga dilka toogashada lagu fulin doono Hodan Diiriye, waxaana saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee ay Maxkamadda sare ee Puntland ku xukuntay.

Leave a Reply